Arsenal Oo Qarashkii Ugu Badnaa Taariikhdooda Gilineysa Suuqa Xagaaga.

0
318

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay ku qarash garayso ilaa 180 milyan oo gini si saxiixyo cusub u keenaan marka suuqa xagaaga la gaaro

Ka dib markii uu xagaagii hore £135m kaga soo iibsaday lix ciyaartoy, Mikel Arteta ayaa ka niyad jabay suuqa January, iyadoo bartilmaameedka koowaad ee Dusan Vlahovic uu ku biiray Juventus.

Sida laga soo xigtay The Sun, Gunners ayaa haatan qorsheyneysa qarashka ugu badan ee taariikhdeeda suuqa , iyadoo milkiilaha Stan Kroenke uu diyaar u yahay inuu taageero Arteta oo uu maalgeliyo si dib u habeyn weyn oo kooxda ah loo sameeyo .

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Arteta uu ka warqabo inuu u baahan yahay in uu Arsenal u soo jiido Champions League haddii uu doonayo in uu soo jiito ciyaartooy tayo leh

Xiddiga Everton Dominic Calvert-Lewin iyo kan Real Sociedad Alexander Isak ayaa la rumeysan yahay inay yihiin bartilmaameedkooda koowaad, halka khadka dhexe ee Wolverhampton Wanderers Ruben Neves uu sidoo kale isha ku hayaan

Arteta ayaa haatan tababare u noqon doona kaliya 20 ciyaartoy oo waaweyn inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay ka tageen Ainsley Maitland-Niles, Callum Chambers, Pablo Mari, Sead Kolasinac iyo Pierre-Emerick Aubameyang bishii Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here