Arsenal Oo Mikel Arteta U Qabatay Wakhti Uu Ku Badbaadiyo Mustaqbalkiisa Arsenal, Imisa Kulan Ayaa Lo Qabtay?

0
251

Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa wajahaya in uu waayo shaqadiisa kooxda Arsenal kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa la kulantay laba guuldaro oo xidhiidh ah premier League kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen kooxaha Brentford iyo Chelsea.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal tababaraha u sheegeen in uu badbaadiyo shaqadiisa wakhtiga soo socda hadii kale uu waayi booskiisa kooxda Arsenal.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal tababare Mikel Arteta u qabteen ugu yaraan 5 kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa una sii ahaado tababaraha kooxda Arsenal.

Kulamada ay maamulka Arsenal Tababaraha u sheegeen in uu shaqadiisa ku badbaadiyo ayaa ah kulamada Man City, Norwich City, Burnley, Tottenham iyo Brighton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here