Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Sergej Milinkovic-Savic

0
178

Kooxda Arsenal ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.

Kadib wadahadalo ay la yeelatay kooxda Lazio Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay xiddiga 27 jirka ah ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe iyada oo uu Arteta suuqa ugu jiro xiddig khadka dhexe ah.

Sida laga soo xigtay wargayska MailSport, Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo Lazio ku tijaabisay dalabkii ugu horeeyay.

Laakiin Lazio ayaa diiday dalab Arsenal maadama ayna Arsenal bixin lacagta ay xiddiga ku qiimayso oo dhan 60 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa la filayaa in ay dalab cusub kula laabato Lazio maalmaha soo socda iyada oo ay ka go’antahay in ay hesho xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here