Arsenal oo ku guuleysatay koobka FA Cup-ka kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Chelsea

0
405

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Arsenal ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay koobka FA Cup-ka markeedii 14-aad ee taariikhda, kaddib markii ay guul kaga gaartay Kooxda Chelsea 2-1, kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay garbo siman 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Arsenal iyo Chelsea.

Daqiiqadii 5-aad Kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Christian Pulisic, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Olivier Giroud.

Laakiin daqiiqadii 28-aad Arsenal ayaa heshay gool ku laad, waxaana gool u badelay weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay garbo siman 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 68-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Chelsea, waxayna Gunners sidaas ugu guuleysatay koobka FA Cup-ka markeedii 14-aad ee taariikhda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here