Arsenal oo ku guuleysatay Koobka FA Community Shield

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guuleystay koobka FA Community Shield, kaddib markii ay rigooreyaal ku garaacday Liverpool.

Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolka u daah-furay Arsenal daqiiqaddii 12-aad kaddib markii uu si hagaagsan u dhammaystiray caawin uu ka helay Bukayo Saka, Gunners ayaana 1-0 ku hoggaamisay ciyaarta.

Reds ayaa ku dadaashay inay goolkaas iska soo barbareyso, laakiin waa ay ku guuldarreysteen inay iska soo gudaan qeybtii hore, waxaana lagu kala nastay 1-0 lagu hoggaaminayey wiilasha Tababare Klopp.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Arsenal ayaa difaaceeda adkeysatay, laakiin dhammaadkii ciyaarta 73’daqiiqo ayaa laga helay goolka barbaraha, waxaana ka dhaliyey Takumi Minamino oo bedel ku soo galay ciyaarta, kulanka ayaana 90-ka daqiiqo ku dhammaaday gar isku mid ah 1-1.

Waxaa loo baahday in rigooreyaal lagu kala saaro labada kooxood gool ku laadyadii ay tuurteenna waxaa 5-4 ku adkaatay Arsenal oo sidaas koobka ku qaaday.

Halka rigoore ee laga qabtay Liverpool waxaa birta inta dhuftay bannaanka mariyey da’yarka Rhian Brewster, iyadoo rigoorada guusha uu Gunners u dhaliyey kabtan Aubameyang.

Koobkan ayaana ah kii labaad oo ay Arsenal bishaan ku guuleysato kaddib markii ay hore u soo hanteen tartanka FA Cup-ka, waana markeedii 16-aad oo ay ku guuleysanayso Gunners koobka Community Shield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here