Arsenal Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay Tammy Abraham.

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arsenal inkasta oo ay chelsea Qiimaha xiddiga kala heshiisay kooxda Roma.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa ka baxay qorshaha Tababare Thomas Tuchel waxana uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore iyada oo ay arintaas ku adkaan doonto xilli ciyaareedka dambe xilli ay chelsea ku dhawdahay saxiixa Romelu Lukaku.

Kooxda Roma ayaa la sheegayaa in ay dhigeeda chelsea kala heshiisay qiimaa Tammy Abraham iyaga oo doonaya in ay ku buuxiyaan booska Edin Dzeko oo ku dhaw in uu ku biiro Inter Milan si uu u buuxiyo booska Lukaku.

Sida laga soo xigtay wargayska Il Messaggero, Abraham ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal si uu ugu biiro Emirates.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ayna Gunners wax dalab Rasmi ah ka gudbin saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay marka hore iska iibiyaan xiddiga Alexandre Lacazette.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here