Arsenal Oo Heshay Wado Ka Caawin Karta Saxiixa Lautaro Martinez Si Ay Ugu Badalaan Alexandre Lacazette

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal xiiso dhab ah u qabto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Argentine ee Lautaro Martinez si ay ugu xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Arsenal la xidhiidhay kooxda Inter Milan si ay ugala hadasho helitaanka saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal kooxda Inter Milan u soo bandhigtay xiddiga Alexandre Lacazette si ay qaab toos ah isugu badashaan labada xiddig inta lagu jiro xagaagan.

Inter Milan ayaa dhankeeda u furan in ay iska iibiso xiddiga Lautaro Martinez xilli ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale xumo kuna qasban in ay iska iibiso xiddigaha ugu fiican kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here