Arsenal oo guul ku daah furatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Crystal Palace

0
210

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa guul kaga daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2022/23, kaddib markii ay 0-2 kaga soo adkaatay  Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Daqiiqadii 20-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Gabriel Martinelli, kaddib markii ay caawinta goolkan ay kaga timid Oleksandr Zinchenko.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

85 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xiddiga kooxda Crystal Palace ee Marc Guéhi ayaa iska dhaliyay gool waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 0-2 ay ku hoggaamineysay Arsenal.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday 0-2 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park, kulankii caawa lagu daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2022/23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here