Arsenal oo guul ka soo gaartay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Arsenal ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 33-aad kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Alexandre Lacazette, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Ceballos.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

72 daqiiqo  Arsenal ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay dheesha xiddigeeda Gabriel Martinelli.

Daqiiqadii 85-aad kooxda Gunners ayaa hoggaanka sii dheereysatay kaddib markii uu 0-3 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette oo caawin ka helay saaxiibkiis Thomas.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, Gunners ayaa ku jirta booska 9-aad ee jadwalka kara sareynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 45 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here