Arsenal oo guul dirqi ah ka gaartay West Ham

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Eddie Nketiah oo kursiga keydka ka soo kacay ayaa dhaliyay gool soo daahay iyadoo Arsenal ay 2-1 kaga badisay West Ham kulan ka tirsan Premier League oo ka dhacay garoonka Emirates Stadium xalay.

Gunners ayaa u muuqatay inay ku dhibtoon doonto kulankoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkooda ilaa Nketiah uu shabaqa dhex dhigay Dani Ceballos baaskiisa iyadoo shan daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta.

Nketiah ayaa badalay daqiiqadii 77-aad Alexandre Lacazette, kaas oo furay goolasha qeybtii hore ee ciyaarta isagoo dhaliyay goolkiisii 50-aad ee Arsenal tartamada oo dhan.

Michail Antonio ayaa barbareeyay ciyaarta ka hor, waxaana uu sidoo kale birta ku dhuftay kubad madax ah ka hor inta Nketiah uusan u soo kicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here