Arsenal oo guul ay u qalantay kaga soo gaartay kooxda Olympiacos garoonkeeda Karaiskaki

0
287

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminysay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 34-aad kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta,waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Martin Oedegaard, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Thomas.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

58 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Olympiacos ayaa la timid goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta Olympiacos.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Arsenal ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 Gabriel oo caawin ka helay Willian.

Mohamed Elneny ayaa daqiiqadii 85-aad hoggaanka u sii dheereeyay kooxda Arsenal, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay Gunners.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 oo ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda Olympiacos, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here