Arsenal oo guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Southampton

0
296

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary’s, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20–aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 3-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qbatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Stuart Armstrong, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa James Ward-Prowse.

Laakiin 8 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Nicolas Pepe, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Granit Xhaka.

39 daqiiqo marta ay ciyaarta aheyd Bukayo Saka oo caawin ka helay Alexandre Lacazette ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, waxayna ciyaarta noqotay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana 1-3 ka dhigay Alexandre Lacazette, oo caawin ka helay saaxiibkiis Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 oo ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary’s. Gunners ayaana haatan soo fariisatay booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here