Arsenal oo garoonkeeda Emirates ku garaacday kooxda Manchester United

0
208

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates ku garaacday kooxda Manchester United, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1. ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobadkan ee Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Arsenal.

Dajiiqadii 3-aad ee bolowgii dheesha kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay da’ayarkooda reer Portugal ee Nuno Tavares.

32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Bukayo Saka.

Laakiin daqiiqadii 34-aad Manchester United ayaa soo celisay gool waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay Cristiano Ronaldo oo ay caawin kaga timid Nemanja Matić.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.a

Daqiiqadii 70-aad Granit Xhaka oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Mohamed Elneny ayaa wuxuu kooxda Manchester United ka dhaliyay gool qurux badan, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Manchester United oo martid ugu ahayd garoonka Emirates, Gunner ayaa kaddib guushan ay ka gaartay United-ka waxay soo fariisatay kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here