Arsenal Oo Garaacday Aston Villa Kuna Soo Laabatay Wada Guulaha Premier League

0
163

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Villa Park.

Arsenal ayaa kulanka soo gashay iyaga oo u baahan guul ay dib ugu soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii bartamihii toodbaadka ka soo gaadhay Liverpool.

Gunners ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Aston Villa ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay goolal ku doonayeen.

Dhanka kale Aston Villa ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay iyaga oo ku dhibaatooday in ay xitaa fursad sameeyaan uan babac dhigi kari waayay weerarka Arsenal ku qaadaysay.

Daqiiqadii 30-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Aston Villa ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin difaaca Arsenal ayaa si fiican u wada shaqaynayay waxana ku dhibaatoodeen in ay u dhawaadaan goolka Arsenal.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal maamulaysay ciyaarta isla markaas ahayd kooxda fiican ee doonaysay in ay hesho 3-da dhibcood ee kulanka.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna wax badan is badalin iyada oo Arsenal ahayd kooxda fiican Aston Villa-na ku dhibaatoonaysay in ay qaado weerar wax ku ool ah.

Aston Villa ayaa heshay fursado fiican qaybtii dambe laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan fursadahaas xilli ay Arsenal lafteedu heshay fursado fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gool muhiim ah ka gaadhay kooxda Aston Villa siina adkaystay kaalinta 4-aad ee ay kaga jirto horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here