Arsenal Oo Gaartay Guushii 3-aad Oo Xiriir ah

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa sii wada guulaha kadib markii ay xasuuqday kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka The Hawthorns.

Qaybta Hore:

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo dib u helay kalsoonidooda iyaga oo kulanka ku bilowday qaab dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Dhanka kale kooxda West Brom ayaa ku bilaabatay qaab difaac ah iyaga oo doonayay in ay ula ciyaaraan sidii ay dhibcda kaga heleen Liverpool iyo Man City.

Laakiin Daqiiqadii 23-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kieran Tierney kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay west Brom ayaa daafac ka soo baxday iyaga oo bilaabay raadinta goolka bar-baraha taas oo ciyaarta u furtay Arsenal.

Daqiiqadii 28-aad ayay Arsenal sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool qurux badan oo si cajiib ah looga soo shaqeeyay uu dhaliyay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Bukayo Saka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed ay taageerayaasheedu ku diirsadaan waliba ugu qalmeen hogaanka ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Wiilasha Mikel Arteta oo kalsooni buuxa ayaa ku soo laabtay qaybta dambe iyaga oo wax ka bilowday halkii ay kaga tageen siina waday maamulista ciyaarta iyo waliba raadinta goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 60-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa waliba dilay ciyaarta.

Arsenal ayaa wixii intaas ka dambeeyay bilowday in ay goolasha badsato maadama ay ciyaarta dishay oo ay 3-da dhibcood jeebka ku hubsadeen.

Daqiiqadii 64-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa iyo goolkii 2-aad ee shaqsiga ahaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guushii 3-aad oo xidhiidh ah una muuqato mid ku soo laabatay wadada saxda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here