Arsenal Oo Fariin Cad Looga Diray Saxiixa David Raya.

0
197

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Thomas Frank ayaa fariin u diray Arsenal oo ku aadan xiddiga Brentford David Raya ka dib markii Gunners ay ka hormartay Bayern Munich tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Arsenal ayaa doonaysa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Iyada oo uu Mikel Arteta taageere u yahay xiddiga ay isku dalka yihiin.

Bayern Munich aya horay loola xidhiidhinayay Goolhayaha 27 jirka ah laakiin wararka ayaa sheegaya in uu Raya doorbidayo in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo Gunners haaatan wadahadlao la furtay Brentford.

Gunners ayaa haatanba haysata Goolhaye 1-aad kaas oo ah Aaron Ramsdlae iyaga oo sidoo kale haysta Matt Turner oo ah dookha 2-aad ee kooxda.

Laakiin Arteta ayaa doonaya Goolhaye Tayo fiican leh oo Ramsdale kula tartama dookha 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka cusub.

“Waxan rajaynaynaa in aan helno dalab, waxa aan sugaynaa in aan iibino Raya”ayuu Frank u sheegay NBC Sport.

“David waxa uu doonayaa in uu boxo, taasina waa caadi, hadii ay kooxdu doonayso in ay iibiso waa in aan helno qiimo fiican taasina ma ahan wax adag”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here