Arsenal oo dooneysa in saxiixa xiddig ka ciyaara Premier League ay ku garaacdo Man Utd iyo Chelsea

0
314

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wargeysyada England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Arsenal ay dooneyso inay hesho adeega daafaca kooxda West Ham United ee Issa Diop.

Kooxda Arsenal ayaa heysata dhaawac dhanka daafaca ah tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay ka dhaawacmeen dhamaan xiddigaha kala ah Kieran Tierney, Calum Chambers iyo Sead Kolašinac, sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan oo ay qabaan.

Haddaba wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa tilmaamay in tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta uu magacaabay daafaca kooxda West Ham United ee Issa Diop, si uu ugu xaliyo dhibaatada Gunners ka heysata dhanka daafaca suuqa xagaaga ee soo aadan.

Image result for Issa Diop Arsenal

Laakiin wargeyska ayaa tilmaamay in Chelsea iyo Manchester United ay dhankooda xiiseynayaan inay helaan adeega daafacan u ciyaara kooxda West Ham United ee Issa Diop, marka la gaaro suuqa xagaaga ee soo aadan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here