Arsenal Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Ay 61 Sano Ka Hor Dhigtay Kulanka Burnley.

0
218

Kooxda Arsenal ayaa si aad ah u doonaysa in ay ka fogaato rikoodh xun oo ay dhigtay 61 sano ka hor kulanka ay caawa marti galin doonaan kooxda Burnley kana tirsan horyaalka Premier League.

Gunners ayaa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay premier League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Leicester City, Aston Villa & Wolverhampton Wanderers.

Kooxda Arteta ayaan guul gaadhin wixii ka dambeeyay guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Man United horyaalka premier League

Hadii ay kooxda Arsenal guuldaro kala kulanto Burnley waxa ay guuldaro la kulmin doontaa 4 kulan oo xidhiidh ah kulamada garoonkeeda taas oo noqon doonta markii ugu horaysay ee ay sidaas ku dhacdo tan ilaa 1959-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here