Arsenal Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Kulankii Nottingham Forest.

0
89

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa wadnaha farta ku haysa kadib markii uu ka dhaawacmay xiddiga Jurrien Timber kulankii ugu horeeyay ee premier League.

Xiddiga Timber ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee premier League xilli ciyaareedka laakiin xiddiga ayaa dhaawacmay.

Xiddiga reer Netherlands qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu dhaawac muruqa dambe ah soo gaadhay.

Xiddiga ayaa ku qasbanaaday in la badalo isaga oo dhamaysan kari waayay ciyaarta xilli uu dhaawacu u muuqday mid halis ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Mikel Arteta marka la eego in uu xiddigu si fiican ula soo qabsanayay kooxda kulankiisii ugu horeeyay ee Rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here