Arsenal Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Saxiixa Houssem Aouar

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Lyon ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalab cusub oo lacag iyo waliba xiddig ah si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Xiddiga reer France ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya kubada cagta isaga oo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Qaab ciyaareedka cajiibja ah ee xiddiga 22 jirka ah ayaa keenay in uu xiiso ka helo kooxaha Man City iyo Juventus.

Si kasta ha ahaatee wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Arsenal ayaa miiska u saartay kooxda Lyo dalab lacageed oo dhan 31.2 milyan euro iyo xiddig aan la magacaabin cida uu yahay.

Laakiin Lyon ayaa si deg-deg ah u diiday dalabkaas una sheegtay in ay Miiska saarto lacag dhan 60 milyan oo euro.

Houssem Aouar oo Lyon ku qaatay xirfadiisa ciyaareed oo dhan ayaa dhaliyay 24 gool sidoo kale caawiye ka noqday 27 kale 137 kulan oo uu tartamada oo dhan ciyaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here