Arrin ugub ah oo ay billaabeen Haweenka Hindiya marka la gaara xilligooda caadada

0
147

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Haween badan oo ku nool gobolka Haryana ee dalka Hindiya ayaa billaabay jadwalka xilliyada ay caadada ku dhaceyso iney guriyahooda ku dhajistaan.

Dalka Hindiya waxaa ceeb ka ah in gabdhaha dhallinyarada ah ay ka hadlaan caadada iyo sida ay ugu dhacdo.

Guri kasta oo magaaladaasi ku yaalla waxaa darbiyadooda ku dhajisan jadwal ay ugu talagaeen iney kala socdaan xilliga ay gabadhu caadada ku dhacday iyo xilliga xiga ee ay fileyso iney ku dhacdo.

Ujeeddada jadwalka caadada oo ay gabdhaha gobolkaasi sameysteenna ma ahaa oo keli ah iney wakhtiga kala socdaan balse waa iney jabiyaan caadooyinka xun ee la xiriirta ceebeynta dumarka.

“Jadwalka wuxuu gabadha ka caawinayaa iney la socoto xilliga ay caadada ku dhaceyso haddii ay xilligeeda ka soo hormarto ama ay ka dib dhacdo si ay dhakhtarka ula xiriiraan,” ayey tiri Supriya Verma oo 33 jir ah kuna nool deegaanka Kanwari oo ka tirsan gobolka Haryana ee ku yaalla Waqooyiga dalkaasi

Mararka qaarna bulshada dhexdeeda waxaa lagu qabtaa dood cilmiyeed ku aaddan caadada si dabiici ah dumarka uga timaaddo iney eheyn wax dumarka lagu ceebeeya balse ay tahay arrin dabiici ah oo abuurka dumarka ku lammaanan.

“Xilliyadii hore gabdhuhu markay ku jiraan xilliga caadada xanuunka iyo caajiska ay dareemayaan looma garaabi jirin oo wey shaqeynayeen, balse inta uu haatan billowday ololahan waaliddiintu waxay billaabeen xilliga ay gabadhu caadada ku dhacdo iney fahmaan oo ay naxariis u muujiyaan,” ayey tiri.

“Hadda waxay ogaadeen xilliga ay caadada igu dhacdo inaan nasasho badan u baahanahay, shaqooyinkii aan qaban lahaa oo dhanna iyaga ayaa qabta si ay culeyska iiga qaadaan,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Jaglan oo ka mid ah dadka u ololeeya caafimaadka dumarka wuxuu billaabay barnaamijyo wacyigelin oo uu dumarka ku fahansiinayo caadada dumarka iyo caafimaadka xiriirka ka dhaxeeya.

Barnaamijkan jadwalka caadada ay gabdhaha guriyahooda ku dhagsanayaan oo ka soo billaawday tuulada Nuh ee degmada Jindo oo ka tirsan gobolka Haryana wuxuu ku faafay 7 gobol oo Hindiya ku yaalla waxaana ka qayb qaadanaya haween 1,000 ka badan.

Si kastaba ha ahaatee gabdhaha qaar ayaa waaliddiintooda cadaadis kala kulmeen oo ay ka soo horjeesteen iney jadwalkan qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here