Arin Ka Cusub Mustaqbalka Mbappe Ee PSG

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kylian Mbappe  uu ku war giliyay maamulka PSG in uu doonayo in xagaagaan uu baxo

WargeyskaL’Équipe ayaa sheegaya in dad ku dhaw uu ku war giliyay in uusan xiiso u qabin ka bar bar ciyaaridda Messi taasina ay og yihiin maamulka PSG

L’Équipe waxa ay leedahay , wiilkaan reer France waxa uu dareemayaa in doorkiisa iyo saameyntiisa kooxda ay yaraaneyso uuna la wareegayo Messi sidaa darteed uu doonayo in uu baxo xagaagaan lagana iibiyo Real halka qaab xor ah uu ku bixi lahaa xagaaga dambe

Sababta kale waxaa lagu sheegay in uu dareensan yahay saaxibtinamada fog ee Messi kala dhaxeysa Di Maria iyo Neymar taasina ay keeneyso in badan isaga taageeraan marka gudaha garoonla lagu jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here