Argentina Vs Croatia: Markii Sedexaad Taariikhda Isku Arkayaan Koobka Aduunka

0
141

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Argentina iyo Croatia ayaa isku arkaya wareegga 4-ta koobka aduunka xilli saaxibada Modric haminayaan in  markii abaad xariir ah gaaraan finalka

*Waa markii saddexaad ee ay isku arkaan xulalka Argentina iyo Croatia koobka adduunka, waana markii ugu horreysay oo ay isku arkaan wareegga bug baxa. Argentina ayaa 1-0 ku badisay 1998dii, ka hor inta aysan Croatia 3-0 ku badinin koobkii 2018 ee Russia.

*Argentina ayaa isha ku haysa in ay gaarto finalka koobka adduunka markii 6-aad

*Croatia ayaa guul dareysatay finalkii  2018, waxayna noqon kartaa qarankii afraad ee Yurub ah ee gaadha finalka koobka aduunka oo xidhiidh ah kadib Italy (1934, 1938), Netherlands (1974, 1978) iyo Germany (1982, 1986, 1990).

*Kadib rigoorayaal ay kaga badiyeen Brazil wareega 8da, Croatia waxa ay noqon kartaa xulkii labaad ee Brazil iyo Argentina ka ciribtira wareega bug baxa ee isla koobka adduunka, ka dib Germany 2014.

*Argentina ayaa badisay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka ay wajahday kooxaha Yurub (3 bar-baro iyo 3 guuldarro), iyagoo 2-0 ku garaacay Poland wareegii guruubyada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here