Ardayda Australia oo dib ugu laabanaya dugsiyada

0
280

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Carruurta ku nool gobolka ugu dadka badan Australia ayaa iskuullada dib ugu noqonaya toddobaadka soo socda, waana tallaabo aad u weyn oo loo qaaday dhanka noloshii caadiga aheyd, kaddib bilooyin guryaha loogu jiray aafada caalamiga ah ee COVID-19.

Amarka ka yimid New South Wales (NSW) ayaa sare u qaadaya mas’uuliyadaha daryeelka carruurta ee ku aaddan waalidiinta iyo goobaha daryeelka carruurta ee ku jira iskuullada dadweynaha Australia,iyadoo ku dhowaad 800,000 oo carruur ah ay aadi doonaan iskuulada.

Tani ayey dowladdu ku micneysay in ay qeyb ka tahay in qeybaha kala duwan ee dadkeeda looga saarayo shaqo la’aanta muddada kooban jirtay, islamarkaana dhaqaalaha dib loogu soo celinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here