Angelina Jolie oo sawir Masaajid ku iibisay $7 milyan

0
402

Sawir gacmeed uu sameeyay Ra”isul Wasaarihii hore ee Britain, Sir Winston Churc, oo ay lahayd atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Angelina Jolie, ayaa lagu iibiyay £7m kaddib markii lagu xaraashay suuq ku yaalla magaalada London.

Qiimaha lagu bixiyay sawirkan farshaxanka ah ayaa ku dhawaad afar jibaar ku ah qiimihii lagu qiyaasay inta aan la iibinin ka hor, waxaana uu ka sare maray lacagtii taariikhiga ahayd ee lagu iibsaday sawir gacmeedkii ugu dambeeyay ee Churchill, taasoo ahayd wax ka yar £1.8m oo kaliya.

Sawirka muujinaya masjidka Koutoubia, oo lagu sameeyay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa laga iibiyay qof aan magaciisa la sheegin.

Afhayeen u hadlay shirkadda alaabta xaraashta ee Christie ayaa sawirkan ku tilmaamay “shaqadii ugu fiicneyd ee uu sameeyay Churchill”.

“Marka laga soo tago in uu yahay sawir aad u guuleystay, waa farshaxankii keliya ee uu sameeyay intii lagu guda jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayuu yidhi Afhayeenka.

Churchill, oo ahaa farshaxamiiste aad u firfircoonaa, ayaa dhiirrigalin ka helay magaalada ku taalla dalka Morocco, wuxuuna xardhay sawirka Masjidka Koutoubia intii uu socday shirkii Casablanca ee dhacay sanadkii 1943-kii.

Wuxuu markii dambe sawirka oo dhammeystiran siiyay hoggaamiyihii ay isku baheysteen dagaalka, oo ahaa madaxweynihii Mareykanka, Franklin Roosevelt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here