Andy Robertson Oo Magacaabay Xiddigaha Ugu Orodka Badan Liverpool, Kuma jiraan Salah & Mane

0
211

Kooxda Liverpool ayaa haysata qaar ka mid ah xiddigaha ugu orodka badan premier League kana mid yihiin xiddigaha Mohamed Salah Iyo Sadio mane.

Laakiin daafaca Bidix ee Andy Robertson ayaa sheegay in uu jiro xiddig kale oo ka orod badan oo ku sugan kooxda Liverpool.

Andy oo ka qayb qaadanaya su’aalo iyo jawaabo ayaa la waydiiyay xiddiga ugu orodka badan Liverpool ee ku guulaysan kara tartanka 100 mitir ah.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan dooranayaa Virgil Van Dijk, waa daafac dhexe laakiin uma malaynayo in uu xiddiga garabka ka ciyaara fursad u haysto in uu ka dheereeyo”.

“Sidoo kale Henderson ayaa ku jira si la mid ah Trent Alexander-Arnold”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here