Dhaawac Soo Gaaray Thibaut Courtois Oo La Xaqiijiyay

0
13

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)War xun ayaa u soo baxay Real Madrid iyadoo Thibaut Courtois uu dhaawac soo gaaray kulankii Atletico.

Carlo Ancelotti ayaa daaha ka qaaday ciyaarta kadib: “Courtois waxaa soo gaaray dhibaato muruqa ah, waa la qiimeyn doonaa berri”.

Courtois ayaa noqday mid ka mid ah geesiyaashii ugu muhiimsanaa ciyaarta markii taageerayaasha Atletico ay bilaabeen inay qashinka ku tuuraan ciyaaryahankoodii hore.

Goolhaye Courtois ayaa dhamaystay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta laakiin waxa uu xanuun ka dareemay muruqa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Goolhayaha reer Belguim ayaa la filayaa in uu seego kulanka xiga ee kooxda Real Madrid ee champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here