Alexis Mac Allister Oo Sharaxay Farqiga U Dhexeeya Klopp Iyo Slot.

0
8

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa shaaca ka qaaday farqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya Arne Slot iyo tababarihii hore ee Jurgen Klopp isaga oo sheegay in uu jiro qaab dhismeed badan oo uu ku hoos jiro tababaraha cusub.

Reds ayaa u magacawday Slot inuu noqdo bedelka Klopp xagaagii, ka dib go’aankii uu tababaruhu ku go’aansaday in uu isaga tago kooxda kadib 9 sano oo uu joogay.

In kasta oo kabaha Klopp ay hubaal ahaayeen kuwa uu buuxin karo maadama uu kula guulaystay kooxda koobabka Premier League iyo UEFA Champions League intii uu joogay kooxda – Slot ayaa si ayaa si fiican ku bilowday noloshiisa kooxda.

Liverpool ayaa maalmihii la soo dhaafay aaday hogaanka premier League iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Isagoo la hadlayay saxaafada Mac Allister ayaa wax laga weydiiyay farqiga u dhaxeeya macalinkiisa cusub iyo Klopp.

“Waxaan u maleynayaa farqiga u dhexeeya Arne iyo Jurgen mabaadi’da inay isku mid yihiin sidaas darteed sidaan idhi, uma maleynayo inuu jiro farqi weyn”.

“Haatan waxa kooxda ka jira qaab dhismeed waxana aan isku daynaa in aan horumar ka samayno sidaas darteed intaas ayaa ah farqiga u dhexeeya labadooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here