Alan Shearer & Gary Lineker Oo Isku Khilaafay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Premier League.

0
56

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Halyeeyga Premier League ahna khabiirka caanka ah ee Alan Shearer ayaa aaminsan in Liverpool aysan u tartami doonin hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa uu sheegay in daafacoodu wali yahay mid dhibaato ah waxana uu intaas ku daray in horyaalku ka dhexeeyo kooxaha Arsenal iyo Man City.

Waxa taas ku khilaafay Gary Lineker kaas oo sheegay in ay Liverpool ku tartami doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Uma malaynayo in Tottenham ay u tartami doonto horyaalka iyo in kale, sababtoo ah, haddii ay dhaawac weyn soo gaaraan, waa inaad beddeshaa qaabka ay u ciyaaraan, mana haystaan ​​tayada ay ku soo galaan kooxaha Arsenal iyo Man City”.

“Sidoo kale Liverpool waxa ay u tartami kartaa horyaalka premier League waxana ay haystaa xiddigo cajiib ah”ayuu Lineker yidhi.

Si kasta ha ahaatee Shearer ayaan ku raacin arintaas iyo tartanka Liverpool ee horyaalka.

“Anigu ma hubo Liverpool, dhinaca daafaca ma ahan kuwo fiican, anigu ma badalayo fikirkayga, tartanku waxa uu ka dhexayn doo aa Arsenal iyo Man City”.

“Waxa aan qabaa in ay muddo ku tartami doonaan laakiin natiijadu waxa ay ku dambayn doontaa Arsenal iyo Man City”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here