Agab Sports Oo Lagu Wareejiyey Kooxaha Ciyaaraha heerka Labaad Ee Baydhabo

0
91

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Agabkan Lagu wareejiyey Kooxaha Ciyaaraha heerka labaad ee ka dhisan Magaalada Baydhabo ayaa waxay isugu jireen dharka ciyaaaha noocyadiisa kala duwan si loogu dhiiri geliyo ciyaartoyda ka qeyb galaya Ciyaaraha oo Heerkiisa Labaad Baydhabo ka furmaya.

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Kooxaha Ciyaartoyda Heerka labaad oo Agabkaas lagu wareejiyey ayaa waxay u mahadceliyeen Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha KG iyo Gudiga Xiriirka Ciyaaraha KG oo gaarsiiyey agabkaas iyagoo sheegey in ay si wanaagsan uga qeyb qaadan doonaan is dhax galka Ciyaaraha.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here