Aabe baahiyaha gaarka ah qaba ku nool Baydhabo oo dalbaday in la soo caawiyo.

0
54

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Aabe Maxamed Axmed Cali (Mad Baagay) qoyskiisa wuxuu ka kooban yahay asiga, xaaskiisa iyo 11 caruur ah oo shan ka mid ah ay joogaan xiligii waxbarashada balse lacagtii waxbarashada oo aan awoodin ayuu Qur’aanka wuxuu ugu akhriyaa guriga.

Maxamed Axmed waa qof naafo ka ah maqalka iyo aragga taasi oo ku sii kordhisay in ay ku nooladaan mid adag, waxayna markoodi hore ay ka soo barkaceen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool si ay u helaan nolol ka duwan middii markii hore ay ku noolaayeen.

Mad Baagay iyo qoyskiisa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay ku sugan yihiin muddo Afar bilood ah intaasi ay joogaan ma aysan helin wax gurmad ah oo ku filan wiilkooda ugu weyn waa 18 sano jir oo maanta awoodin in uu magaalada ka soo shaqeeyo aqoon iyo muruq maalba.

Isliino Isaaq waa xaaska Maxamed Axmed waxay isla nool yihiin muddo ku dhow 20 sano intaasi waxay ku noolaayeen garabka dadka muxsiniinta ah madaama ay yihiin qoys dan yar ah, Hooyo Isniino Isaaq ayaa ka warbixinaysa xaaladda ay ku jiraan iyo wax yaabaha ay u baahan yihiin in laga caawiyo.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here