Aabaha Erling Haaland Oo Ku Digtay Arsenal Kadib Guushii Community Shield-ka.

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Aabaha Dhalay Erling Haaland Oo Ku Digtay Arsenal Kadib Markii Ay Gunners Ku Guulaystay Community Shield-ka.

Aabaha Erling Haaland ayaa ku jeesjeesay Arsenal ka dib guushii ay ka gaareen Manchester City ciyaartii Community Shield axadii.

Arsenal ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Man City kulanka furitaanka xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Haaland ayaa ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kulanka waxana la badalay daqiiqadii 64-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta.

Ciyaarta kadib ayaa la arkay xiddigaha iyo taageerayaasha Arsenal oo si weyn ugu dabaal-dagaya ku guulaysiga koobka.

Aabaha dhalay Haaland ayaa ciyaarta kadib baraha bulshada ugu digtay kooxda Arsenal.

“Shaqo fiican Arsenal, Guul weyn, haatan idinka ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka”.ayuu ku qoray boggiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here