Aabaha dhalay Ra’iisal wasaaraha UK oo qaatay dhalashada faransiiska.

0
345

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Aabbaha dhalay Boris Johnson ee Stanley ayaa sheegay inuu noqday muwaadin Faransiis ah, xilli uu u warramayey warbaahin laga leeyahay Belgium waxaana uu sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu ilaaliyo “xidhiidhka” uu la leeyahay Midowga Yurub ka dib – qorshihii Ingiriiska ee ka bixitaanka Midawga Yurub.

Mr Johnson, oo hooyadiis ay ahayd Faransiis, ayaa u sheegay BFMTV helitaanka jinsiyadda dalkan in ay u tahay”wax qaali ah” oo u oggolaanaysa in uu sheegto qayb ka mid ah “aqoonsigiisa”.

Si ka duwan wiilkiisa, oo hogaaminayay ololihii ka bixitaanka Midowga Yurub, Mr Johnson wuxuu u codeeyay inuu lagu sii jiro Midawga Yurub aftidii ka bixitaanka Midawga Yurub ee 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here