Aabe Heysta Lix Carruur ah, Iyo Hooyadood Oo Noloshooda Ku Maareeya Kaba Tolista Mudo Ka badan Sodon sano.

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xasan Daa,uud 50 sano jir reerkiisa oo degan hada Magaalada Baydhabo waxey ka kooban yihiin xaaskiisa iyo lix carruur ah, waxaa uu ka shaqeystaa tolista kabaha mudo ku dhow 30 sano.

In kastoo Alle uu balan qaadey arsaaqda Aabe Xasan Daa,uud oo maalin kasta kabo kutolo suuq weynaha xaafada holwadaag gaar ahaan onodka ayaa wuxuu helaa maalintii lacag dhan 20 ilaa 15 kun oo shilin soomaali ah taasi oo an ku filneen reerkiisa oo markii laga soo tago raashiinka ay u sii dheer tahay lacagta waxbarashada iyo wax yaabaha kale ee nolasha aas aaska u ah.

Warkan waxaa inoo haya SiidCali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here