Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Aan Fiicnayn Kala Baxay Kulankii Ac Milan.

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoodh aan fiicnayn kala baxay kulankii ay Kooxdiisu iska xaadirisay Finalka Coppa Italia kulankii xalay.

Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah waxana ay Juventus ku soo baxday Goolk martida kaas oo ay soo dhaliyeen kulankii lugta 1-aad ee tartanka.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa ka khasaariyay rikoodhe kadib markii uu birta ku dhuftay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Kadib rikoodhadaas uu khasaariyay Cristiano Ronaldo ayaan haatan wax gool ah dhalin 111 maalin waana wakhtigii 2-aad ee ugu dheeraa ee uu gool la’aan ahaa xirfadiisa ciyaareed.

Waxa intaas sii dheer in uu Cristiano Ronaldo khasaariyay 4-tii rikoodh ee ugu dambaysay ee uu laagtay isaga oo khasaariyay 4 sano oo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here