Sucuudiga oo markii ugu horreysay ka baaraan degayo joojinta howlaha xajka

0
338

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha xajka iyo cumrada ee dowladda Sucuudiga ayaa wargeyska Financial Times u sheegay in mas’uuliyiinta dalkaas ay ka baaran degayaan sidii sannadka loo joojin lahaa howlihii xajka markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1932-dii xilliggaas oo la aasaasay boqortooyada.

Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay ilaa 100,000 oo kiisaska feyraska Korona ah.
“Waxaa daraasad ku sameynay xaaladda, waxaana laga baaran degayaa sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin kala duwan, go’aan rasmi ah ayaa toddobaadkan gudihiisa laga soo saari doonaa arrintan” ayuu yiri sarkaalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Boqortooyada Sacuudiga ay ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dhawaafo Xajarul Aswadka, iyada oo laga cabsi qabo faafidda caabuqa Corona.
Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here