WHO oo ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafo Afrika

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafayo qaaradda Afrika, halkaas oo laga soo tebiyay kiisas yar marka loo barbardhigo caalamka intiisa kale.

Cudurka waxaa uu si weyn u saameeyay ilaa 10, waxay qaaraadda xaqiijisay ilaa 200,000 qof oo ku dhacay feyraska Korona, sida ay sheegtay madaxa WHO u qaabilsan Afrika Dr Matshidiso Moeti.

Cudurka ayaa si weyn u saameeyay Koonfur Afrika, xaaladda ka taagan gobolka Western Cape waxay lamid tahay midda haatan ka jirta Yurub.,

Inta badan cudurka wuxuu ku baahay magaalooyinka iyo dhulka ka baxsan balse cudurka uu haatan u muqdo mid ku baahayo magaalooyinka waaweyn ee qaaradda, sida ay sheegtay Dr Matshidiso Moeti.

Waxay sidoo kale sheegtay in caqabadaha ugu weyn ee heysta qaaradda ay yihiin qalabka cudurka lagu baaro iyo agabka kale ee ka hortagga cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here