Chelsea oo guud ahaan isaga baxday xiisaha Philippe Coutinho,

0
337

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mustaqbalka Philippe Coutinho ayaa ah mid aanan wali la go’aamin halka uu ku dambeyn doono kaddib xagaagan, iyadoo kubbad sameeyaha reer Brazil uu ku soo laaban doono Barcelona marka uu soo dhammeysto muddo ciyaareedkiisa amaahda ah ee uu ku qaadanayo Bayern Munich.

Waxay u badan tahay in Barca ay iska iibin doonto Coutinho, iyadoo 27-jirkan uu rajeynayo ku laabashada horyaalka Premier Leage haddii uu mar u faarujinayo garoonka Camp Nou.

Kooxda reer Spain ayaa iibka Coutinho ku dooneysa lacag dhan 100 milyan oo euro, balse waxay taasi sababtay in la heli waayo koox iibkiisa si qeexan u xiiseyneysa.

Naadiga Chelsea oo ka mid ah kooxaha lala xiriiriyay laacibkii hore ee Liverpool ayaa si toos ah albaabada kaga xiratay xiddigan, maadaama ay walaac ka muujineyso mushaharkiisa faraha badan sida ay ku warramayso ESPN, sidaasna ay uga hartay loollanka loogu jiro saxiixiisa.

Blues ayaa la filayaa inay 50 milyan oo euro ay ku qarasha gareyso saxiixa Timo Werner oo ay horraan heshiis horudhac ah la gaareen, si la mid ah lacag ka badan 40 milyan oo euro ayay ku bixiyeen iibka Hakim Ziyech, waxaana taas ay saldhig u noqotay cabsida kooxda ka dhisan galbeedka London ay ka qabto inay sameyso saxiix kale oo weyn.

Kooxaha Newcastle, Everton iyo Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha Ingiriiska ah ee lala xiriirinayo Coutinho, balse waxaanan la fileyn inay awoodaan qiimaha ay Barcelona ku dooneyso laacibkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here