Madaxweynaha Tanzaaniya oo ku dhawaaqay in dalkiisu xor ka yahay COVID-19

0
331

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu xor ka yahay COVID-19, wuxuuna uga mahadceliyay shacabkiisa isaga oo sheegay in ducadoodii la aqbalay.

Magufuli ayaa xusay in guusha laga gaaray COVID-19 ay ku timid Salaadaha iyo Soonka ay alle muwaadinnita Tanzaaniya uga dalbadeen in uu ka qaado cudurka.

“Farxad aad u weyn ayey isiineysaa in aan noqono waddanka ugu horreeya gobolka oo ka xorooba cudurka Korona, Allaah wuu jecelyahay Tanzaaniya” ayuu yiri madaxweynaha Tanzaaniya.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Tanzaaniya ayaa aheyd 509 qof oo 22 kamid ah ay u dhinteen cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here