Tirada kiisaska cudurka karoona feyris ee laga helay gudaha dalka oo korodhay

0
319

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta guud ahaan dalka laga helay 85-kiis oo cudurka Covid-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Somaliland laga helay 29, Gobolka Banaadir 19, Galmudug 17, Jubbaland 14, Koofur galbeed 5 iyo Hirshabeelle oo 1 ruux ah.

13 ruux ayaa ka bogsatay xanuunka 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaana u geeriyooday 3 qof.

Tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee dalka ayaa ah 2,289, (laba kun laba boqol sideetan iyo sagaal) tirada bogsatay ayaa gaartay 431 (afar  boqol soddon iyo kow) halka tirada guud ee dhimashada ay tahay 82 (sideetan iyo labo) ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here