Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo ku dhawaaqday In dib loo furayo duulimaadyada gudaha dalka bilowga todobaadka dambe.

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)-28 bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ayay aheyd markii la hakiyay diyaaraha isaga kala goosha gudaha dalka si looga hortago faafidda cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxaana kulan ay isugu yimaadeen Wasiiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq, madax ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, ururka diyaaradaha iyo sidoo kale Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in dib loo furi doono duulimaadyada gudaha dalka iyadoo la ilaalinayo sharuucda caafimaadka.

Warkan waxaa inoo haysa Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here