Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda Yeman

0
379

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adaha gargaarka ee ka howlgalaya dalka Yaman ayaa dalbaday kaalmo deg deg ah si ay ugu kabaan howlaha ay ka wadaan dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Yeman.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in durba dantu ay ku qasabtay in ay xiraan qeybo badan oo kamid ah goobaha ay shaqada ka wadeen si hoos ay ugu dhigaan ama ay u beekhaamiyaan inta ay hadda hayaan.

“Ma ahan in indhaha laga qabsado qoysaska gargaarka u baahan,balse waan ka xumahay, waxaan sidaas u sameynay badbaado darteed “ sidaas waxaa AP u sheegay isku-duwaha Yeman ee QM ,Lise Grande.

Hoos u dhigidda dhaqaalaha lagu taageero dadka Yeman ayaa waxaa sabab u ah dhowr arrimood oo tan ugu weyn ay tahay fara-gelinta shaqooyinka ay ku sameynayaan Xuutiyiinta arrimiya Sanca iyo gobollo badan oo Yeman ah.

Mareykanka oo ah deeq-bixiyaha ugu weyn ah ayaa hoos u dhigay deeqaha uu siiyo Yeman sanadkaan horaantiisa, isagoo u sababeeyay fara-gelinta kooxda Xuutiyiinta Yeman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here