Tirada kiisaska COVID-19 Qaaradda Afrika oo Korodhay

0
319

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tirada kiisaska la xaqiijiyay guud ahaan ee COVID-19 Qaaradda Afrika ayaa gaartay 141,000, halka dhimashaduna lagu sheegay 4,069, sida ay sheegtay Xarunta Xakameynta iyo kahortagga Cudurrada CDC ee Afrika.

Hay’adda CDC ee Afrika aya war-bixinteeda ugu dambeysay shaaca uga qaadday in dadka ku nool Afrika ee saacadihii la soo dhaafay la helay COVID-19 ay gaarayaan 5,243 xaaladood.

Sidoo kale waxa ay CDC xustay in guud ahaan dadka bogsooday ay yihiin 59,212 qof, cudurkuna uu ku faafay 54 dal oo ku yaalla Afrika.

Ugu dambeyn War-bixinta ayaa lagu sheegay in waddamada dhaca waqooyiga Afrika ay yihiin meelaha ugu daran kiisaska iyo dhimashada COVID-19 ee Afrika oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here