WHO oo sheegtay in COVID-19 uu hoy ka dhigtay Qaaradda Ameerika

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka COVID19 uu hoy ka dhigtay Qaaradda Ameerika.

Hadalka hay’adda ayaa yimi xilli daraasad ka soo baxday dalka Mareykanka ay saadaalisay in ay sare u sii kici doonto tirada dadka xanuunka awgii ugu geeriyoonaya dalka Baraasiil iyo dalal kale oo ku yaalla Laatiin Ameerika marka la gaaro bisha Ogoosto ee bartamaha sanadkan.

Hay’adda ayaa kulan ay qabatay ku sheegtay in aanu fari ka qodnayn walina aan la gaarin xilligii ay dalalka dabcin lahaayeen xayiraadaha.

Qaaradda Ameerika ayuu xanuunku ku haleelay 2.4 milyan oo qof, halka 143,000 oo kalena ay u geeriyoodeen xanuunka.

Kiisaska xanuunka ee haatan laga diiwaangeliyay Mareykankan ayaa dhaafay kuwii horay looga diiwaangeliyay qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here