Koroona oo sababay in albaabada la isugu dhufto goobta ugu weyn Afrika ee laga qodo dahabka

0
383

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shirkadda AngloGold Ashanti, ee ka shaqeysa dahab qodista ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay shaqadii ay ka heysay goobta ugu weyn Afrika ee dahabka laga qodo oo ku taalla dalka Koofur Afrika ee lagu magacaabo Mponeng.

Go’aanka shirkadda ayaa ka dambeeyay kaddib markii baaritaanno la xariira xanuunka COVID19 oo ay ku samaysay shaqaalaheeda ay ku ogaatay in 164 ka mid ah ay qabaan xanuunka.

Hadal ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ilaa iyo haatan ay baaritaan caafimaad ku samaysay ilaa 650 ka mid ah shaqaalaheeda si ay u hubiso xaaladdooda caafimaad.

Shaqaalaha laga helay xanuunka ayay shirkaddu sheegtay in la karantiili doono isla markaana loo fidin doono daryeelka caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Masuuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in ay dib u habayn ku samayn doonaan goobta shaqada ee ay dahabka ka qodaan waxayna farta ku fiiqeen in ay bilaabayaan olole dib loogu nadiifinayo goobta loogana dilayo jeermisyada kalana saari doonaan shaqaalaha fayow iyo kuwa xanuunsan.

Goobta lagu magacaabo Mponeng oo ah goobta ugu weyn dunida ee laga qodo dahabka ayaa ku taalla koofur galbeed magaalada Johanesburg.

Shirkadda AngloGold Ashanti ayaa ah shirkadda kaalinta saddexaad kaga jirta soo saarista dahabka dunida waana midda kowaad ee ugu weyn qaaradda Afrika.

Shirkadda ayaa sanadkii 2019-kii sheegtay in tirada shaqaalaha ee ka howgala shirkadda ay dhanyihiin 34,263 oo qof .

Koofur Afrika ayaa noqotay dalka dhibka ugu badan uu ka soo gaaray Karoona ee qaaradda Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here