Xog Cusub Oo Laga Helay Mustaqbalka Lautaro Martínez Ee Inter Milan

0
315

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Italy ayaa sheegaya in weeraryahanka Inter Milan ee Martinez uu weli ku dhaganyahay fikirka ah in uu xagaaga ku biiro Barcelona

Martinez ayaa aad loo xariirinayaa Barcelona kuwaasi oo u arka badelka weeraryahankooda Suarez

Sida Clacio Mercato uu qorayo , Martinez ayaa diiday dalab cusub oo la hor dhigay oo ku aadan in uu qalinka ku duugo hishiis cusub .

Inter ayaa dooneysa in ay kordhiyaan qiimaha laacibka uga kaaftoomi karaan waxa ayna taasi u marayaan in hishiis cusub uu saxiixo laacibka balse wiilka reer Argentina waa diidan yahay .
Hishiiska Martinez ee Inter waxa uu dhacayaa xagaaga 2023-ka , waxa ayna Inter dareensan tahay in uu baxayo sida darteed qiimo jaban ma aqbaleyso .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here