Magaalada Baydhabo Oo Maanta si Ka duwan Sidii loogu Tukan Jiray Salaada Ciida Loogu Tukaday Karoona Feyris Awgii.

0
277

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Munaasabada Ciidul Fitriga Sanaadkaan waxay Gebi ahaanba Saameyn weyn Ku yeelatay Cudurka Corona Dunida Hala keeyey Ciiidaha Salaadaha Waxaa Lagu Oogi jirey Fagaarayaal Dadka Shacabka iyo Mas,uuliyiinta Balse Sanaadkaan Taasi way kaga duwan tahay oo Dadka qaar Xaafadahooda ayay Salaada ku dugteen Halka Kuwa kalena Masaajidada Xaafadaha ku yaala Salaada Ciida Ku Oogeeen.Magaalada Baydhaba Waxay Kamid ahayd Meelaha Mamnuuca Ka ahaa in Salaada Ciida aan Lagu Dukan Masaajidada waxaa Dadka Lagu Amri Jirey inay Tagaan Goroonka Cayaaraha Baydhabo Dr Ayuub Balse Snadkaan Shacabka Baydhabo waxaa Loo ogolaaday inay Masaajidada ku tugtaan waa kuwan qaar kamid ah Bulshada Baydhabo ku nool oo ka dareen dhiibayanaya sidey ahayd Maalinta koowaaad Ciidul Fitriga.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here