Alex Song oo Ugu Dambayn Kashifay Sababtii Uu Uga Tagay Arsenal Uguna Biiray Barcelona.

0
374

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddigii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Cameroon ee Alex Song ayaa qirtay in sababtii uu uga tagay Arsenal sanadkii 2012 uguna biiray Barcelona ahayd lacag darteed isaga oo waliba sii raaciyay in uu ogaa in uuna heli doonin kulamo badan oo uu u ciyaaro Barcelona.

Kadib markii uu sanado si yar u soo kacayay, Alex Song ayaa noqday xiddig muhiim ka  ah kooxdii Arsenal ee xilli ciyaareedkii 2011/2012 isaga oo kaliya 4 kulan ka maqnaa xilli ciyaareedkaas premier League.

Laakiin waxa uu qabtay indhaha kooxda Barcelona waxana ay ku soo jiidatay mushahar badan si uu uga tago kooxda Arsenal.

“Inta badan xiddigaha kubada cagtu waxa ay u noolyihiin macno, waxa aan joogay Arsenal muddo 8 sano ah waxana soo bandhigay qaab ciyaareed fiican muddo 4 sano ah”ayuu Song yidhi.

“Sababta aan sida fiican ugu ciyaaray ayaa ah in uu mushaharkaygu kor u kacay laakiin waxa aan sidoo kale ogaa in aanu wali igu filnayn”.

“Markii aan kooxda ku soo biiray waxa aan todobaadkii qaadan jiray 15 kun oo Gini todobaadkii waxa aanan ahaa wiil yar”.

“Waxa aan doonayay in aan la mushahar noqdo xiddigaha waaweyn sababta oo ah waxa aan habeen walba baa’bin jiray lacagta aniga oo ku aadaya baararka”.

“Waxa aan tagi jiray tababarka si aan u daawado Thierry Henry oo boqor ahaan, waxa aan dooni jiray in aan qaato baabuurka uu haysto oo kale wax walba oo dhaca”.

“Waxa aan aaday meesha baabuurta lagu iibiyo  waxa aan soo qaatay gaadhi qurux badan laakiin 2 bil kadib waxa aan ku qasbanaaday in aan celiyo sababta oo ah qaali ayuu ahaa”.

“Maalintii xigtay waxa aan tagay Tababarka Thierry ayaana i waydiiyay, “Mee Baabuurkaagii”, waxa aan u sheegay in uu Iga qiimo sareeyay”.

“Wakhtigii aan Arsenal joogay maan awoodin in aan 100 kun meel oo lacag ah meel dhigto halka ay dadku ii malaynayeen in aan maal-qabeen ahay”.

“Markii ay Barcelona ii soo bandhigtay heshiiska waliba aan arkay lacagta aan helayo laba jeer kama fikirin, waxa aan dareemay in ay xaaskayga iyo caruurtaydu u baahanyihiin wax ay ku noolaadaan marka aan ciyaaraha ka fadhiisto”.

“Waxa aan la kulmay Agaasimaha Barcelona waxana uu ii sheegay in aanan kulamo badan u ciyaari doonin Barcelona”.

“Laakiin wax dan ah kama ahayn in aan ciyaaro waxa aan ogaa in aan maal-qabeen haatan noqon doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here