Barcelona iyo Bareyn Munich oo weerar ku ah Ajax

0
315

Baydhabo(Radio Arlaadi)- kubadda cagta ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa diyaar ah inay ku dagaallamaan saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Sergiño Dest.

Laacibkan difaaca midig ka ciyaara ayaa soo jiitay xiisaha kooxo badan oo qaaradda Yurub ka dhisan kaddib bandhiggiisii wacnaa ee xilli ciyaareedkiisa koowaad ee Ajax.

Xiddiga ku dhashay dalka Holland balse ka tirsan xulka qaranka ee Mareykanka ayaa qaab ciyaareedkiisa lala barbar dhigaa Dani Alves, marka laga cabir qaato hannaanka uu u ciyaaro kubadda.

Barca ayaa dareenka ugu badan u heysa xiisaha Dest waxaana ay si toos ah u daawadeen kulammo dhowr ah.

Dest ayaa ku wanaagsan weerarka iyo goysmada, waxaana sidoo kale uu ku wanaagsan yahay baasask isagoo lagu ammaano inuu yahay go’aan qaate wanaagsan.

Kooxda reer Spain ayaa ka faa’ideysanaysa xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya kooxda Ajax, waxaana ay soo bandhigeen qiimo gaaraya 20 milyan oo euro.

Barcelona ayaa difaaca midig u heysata xiddigaha kala ah Nelson Semedo, Sergi Roberto iyo Mousa Wague, inkastoo Semedo iyo Wague mustaqbalkooda uusan hubanti ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here