Kalidou Koulibaly Oo Heegan Buuxa Giliyay Kooxaha Doonaya

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha doonaya saxiixa daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa helay war wacan oo ku aadan baacsiga ay ugu jiraan wiilkaas .

Daacafaas reer Senegal ayaa ka mid ah xiddigaha aadka looga doonayo suuqa xagaaga waxa uuna soo jiitay indhaha kooxo ay ka mid yihiin Barceloona iyo Real Madrid .

Haatan , kooxha dagaalka ugu jira saxiixa daafacaan Kalidou Koulibaly waxaa ku jira Liverpool , United , City , PSG , Newcastle .

Wargeyska La Gazzeta Del Sport ayaa sheegaya in Kalidou Koulibaly uu qaatay go`aan ku aadan mustaqbalkiisa kooxdaas ka dhisan koonfurta Italy .

Laacibka ayaa go`aansaday in uu iskaga hulkeelo kooxdaas marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan hakadka galay , waxa uuna arintaas uu toos ugu war giliyay maamulka kooxda.

Advertisements

Napoli waxa ay horay u sheegtay in laacibka uga kaaftoomeyn wax ka yar 100 milyan balse dhibaatada dhaqaale ee xanuunka caabuqa ka dhashay laacibka hoos ayuu uga dhacay qiimahaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here